AQRISO: Warbixinta rasmiga ah ee Man United, hadalkii uu jeediyey Ed Woodward iyo Jose Mourinho oo isna hadlay

D87EC5EA573F4C298C2D71E002143961.ashx

(Manchester) 27 Maajo 2016. Man United waxa ay si rasmi ah u shaacisay magacaabida Jose Mourinho.

Kaddib markii uu magacaabida Mourinho ku dhawaaqay, ku xigeenka madaxa fulinta Manchester United Ed Woodward waxa uu yiri: “Jose Mourinho hada waa tababaraha ugu wanaagsan ciyaaraha. Waxa uu ku guuleystay koobab isaga oo dhiiri galiyey ciyaaryahano guud ahaan Yurub, dabcan, waxa uu  si fiican u garanayaa Premier League, isaga oo halkan  ku guuleystay saddex horyaal.

“Waxaan jeclahay in aan fursadan uga faa’ideysto in aan ku soo dhoweeyo Manchester United. Soyaalkiisa guusha ayaa ka dhigeysa in uu hore u soo dhaqaajin karo kooxda.”

Jose Mourinho oo isna magacaabistiisa ka hadlay waxa uu yiri: “In aad noqoto tababaraha Manchester United waa wax ciyaaraha sharaf ka ah. Waa koox laga yaqaan dunida oo la jecelyahay. Waxa ay leedahay haykal iyo muxubo aysan koox kale gaari karin.

“Mar waliba Old Trafford in wax na xiriiriyo jiro ayaan dareemi jiray; waxa ay marti galisay xusuuso muhiim u ah waayahayga, mar walba si weyn ayaan ula raaxeysan jiray jamaahiirta United. Waxan sugayaa noqoshada tababarahooda aniga oo ku raaxeysan doona taageeradooda sanadaha soo socda.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close