”30 sano kaddib waxaa la gaarey xilligii aan iska tegi lahaa” – Berlusconi

(Milano) 27 Maajo 2016 – Madaxwaynaha AC Milan Silvio Berlusconi ayaa qoray in “kaddib 30 sano ay tahay waqtigii uu iska tegi lahaa”.
Dalladda Chinese-ka ah ee doonaysa inay kooxda la wareegto gebi ahaanba ayaa haatan la sheegayaa inay qarka u saaran tahay heshiis ay la gaarto Fininvest kaasoo dhamaan doonaa ugu dambayn 20-ka Juun.
“Waxaan rumeysnahay in kaddib 30 sano ay tahay xilligii aan booska banneeyn lahaa. Balse waxaan doonayaa inaan kooxda ku wareejiyo qof maalgeliya si ay u soo ceshato awooddii ay ku lahayd Talyaaniga iyo Yurub. Qof sanad kasta gelin kara 200 milyan oo euro,” ayuu Berlusconi u sheegay Tele Radio Più.
Gool FM