XOG: Chinese-ka oo u dhow inay Milan iibsadaan (China Daily)

(Milano) 26 Maajo 2016 – Wararka laga helayo dalka China ayaa sheegaya in heshiis laga gaarey heshiis is afgarad ah laga gaarey iibka AC Milan kaasoo lagu dhawaaqi doono 20-ka Juun.

Dallad ganacsato ah oo reer Beijing ayaa loo saxiixay inay si dhoowran ula xaajoodaan maamulka Milan iyagoo doonaya inay iibsadaan 70 boqolkiiba saamiga naadiga, waxayna haatan la xaajoonayaan madaxwayne Silvio Berlusconi.

Yeelkeede, China Daily ayaa haatan werinaya in ay guruubkani ay haatan heshiis la gaareen Rossoneri, iyadoo inta harsan la dhameeyn doono waxyaabaha harsan maaddaama la isku raacay iibka 70 boqolkiiba saamiga kooxda.

Sida heshiiskan ku dhigan, Berlusconi wuxuu sii ahaan doonaa madaxwaynaha naadiga 3-da sano ee soo aaddan, muddadaas oo ay Chinese-ku kula wareegi doonaan 30 boqolkiiba oo ka harsan saamiga guud ee naadiga.

China Daily ayaa rumeysan in heshiiska kama dambaynta ah la kala saxiixan doono 15-20 Juun, waxaana la rumeysan yahay in ragga kooxda doonaya ay ku jiraan Robin Li, Eric Xu, Hui Ka Yan iyo He Xiangjian.

cd

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close