Xavi Hernandez oo guul u rajeeyay Atletico Madrid Final-ka Champions League

Xavi playing for Al-Sadd in the Qatar Stars League (Courtesy sc.qa)

(Madrid) 26 Maajo 2016 Kabtankii hore ee Barcelona Xavi Hernandez ayaa guul u rajeeyay kooxda Atletico Madrid oo Final-ka koobka horyaalada yurub kula balansan Real Madrid.

Xavi ayaa sheegay in waqtigaan uu yahay kii Atletico iyo tababare Simeone kadib markii Real Madrid ay nasiib uga qaaday final-kii 2014.

“Atletico Madrid ayaa u xaq leh ku guulaysiga Champions League marka la fiiriyo shaqada adag ee ay qabanayaan” ayuu yiri Xavi.

“Kubadda cagta mararka qaar waxay ku siinaysaa fursad labaad, waa mid lamid ah Final-kii 2 sano ka hor ee Lisbon, markale ayeeyna isku arkayaan Final-ka Milan”.

“Waxaan aaminsanahay in waqtigaan uu yahay kii Atletico Madrid, inkasta oo Real Madrid ay uga khibrad badantahay kulamada Final-ka ah”.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close