Warbixin: Waa kee ciyaaryahanka caanka ah ee xulkiisa Ingiriiska ka doortay jaceylkiisa? + SAWIRRO

(England) 26 Maajo 2016 – Weeraryahanka kooxda Leicester City ee dhowaan ku guuleysatay Horyaalka Ingiriiska Jamie Vardy ayaa looga yeeray xulka Ingiriiska balse waa uu ka cudur daartay wuxuuna ka doortay jaceylkiisa.

Tababaraha xulka Ingiriiska Roy Hodgson ayaa sheegay in Vardy uu ku daray liiska ciyaartoydiisa kulanka saaxiibtinnimo ee Jimcaha garoonka ‘Stadium of Light’ kula dheeli doonaan xulka Australia, balse waxa uu ka doortay inuu la aqal galo saaxiibtiisa Rebekah Nicholson.

Vardy ayaa la aqal galay shalay gacalisadiisa Rebekah, taasoo micneheedu yahay in uusan ciyaari doonin kulanka Jimcaha ee Australia.

“Waxaan u dabaal degi doonaa Arooskiisa, Jimcahana ma dheelayo balse markuu soo laabto wuxuu loollan adag oo xagga weerarka la geli doonaa Wayne Rooney, Marcos Rashford iyo Daniel Sturridge.” ayuu tababare Hodgson u sheegay saxaafadda.

Vardy ayaa 3 gool u dhaliyay xulka Ingiriiska 7 ciyaar oo uu u saftay, iyadoo goolkiisii ugu dambeeyay uu ka dhaliyay xulka Turkiga.

Xulka Ingiriiska ayaa kulankiisa ugu horreeya Koobka Qarammada Yurub 2016 waxa uu la dheeli doonaa xulka Ruushka 11 June, ciyaartaas oo ka dhici doonta magaallada Marseille.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRADA AROOSKA VARDY OO XIDDIGAHA LEICESTER AY KA QEYB GALEEN:

7

2 3 4 5 6

GOOl FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close