Wakiilka Dani Alves oo ka hadlay wararka la xiriirinaya Juventus

(Barcelona) 26 Maajo 2016 Wakiilka laacibka reer Brazil ee kooxda Barcelona Dani Alves ayaa ka hadlay wararka la xiriirinaya kooxda Juventus.

Dinorah ayaa sheegay inuu la kulmay wakiilo ka socda kooxda Juventus laakiin wuxuu xaqiijiyay in ilaa haatann uusan jirin heshiis rasmi ah oo uu lagaaray Juventus.

Sidoo kale wakiilka ayaa xaqiijiyay in Dani Alves uu dalabyo ka helayo ingiriiska, turkiga iyo faransiiska oo lagu daray kan Juventus.

“Heshiiska Juventus? waa waxba kama jiraan, way jiraan dalabyo loo soo gudbiyay laacibka laakiin ma jirto hal koox oo heshiis lala gaaray” ayuu yiri wakiilka Dani Alves.

“Waa sax waan la kulmay masuuliyiin ka socota Juventus, sidoo kale waxaan la kulmay masuuliyiin ka socota kooxo turki, ingiriis iyo Faransiis ah, laakiin ma jiro dalab rasmi ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close