Leonardo Bonucci oo niyad jabiyay Chelsea: Waxaan ku faraxsanahay joogitaanka Juventus”

(Turin) 26 Maajo 2016 Daafaca kooxda Juventus Leonardo Bonucci ayaa niyad jabiyay Chelsea oo doonaysa inay la wareegto suuqa xaggaagan.

Shabakada Calcio Mercato ayaa baahisay waraysi uu bixiyay Leonardo Bonucci wuxuuna sheegay inuu ku faraxsanyahay kooxdiisa Juventus.

Laacib kaan ayaa lala xiriiriyay inuu la midoobi doono tababarihiisii hore ee Antonio Conte oo loo magacaabay tababaraha Chelsea.

Laakiin Leonardo Bonucci oo beeniyay arinkaas ayaa yiri:

“Heshiis waqti dheer ah ayaan kula jiraa Juventus, iima muuqato sabab igu riixaysa inaan ka tago, aad ayaan ugu faraxsanahay Turin”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close