Barcelona oo Hector Bellerin u aragta badalka Alves iyo taageerayaasha oo soo dhaweeyay tilaabadaas

(Barcelona) 26 Maajo 2016 Barcelona ayaa durbadiiba calaamadaysatay daafaca kooxda Arsenal Hector Bellerin si uu u buuxiyo booska uu banaynayo Dani Alves.

Tan iyo markii la shaaciyay in Alves uu heshiis shaqsi ah lagaaray Juventus ayaa la sheegay in Barcelona ay durbadiiba calaamadaysatay badalkiisa.

Mundo Deportivo ayaa sheegaysa in agaasimaha ciyaaraha ee Barcelona uu si toos ah ula xiriiray Bellerin si uu ugu qanciyo u soo dhaqaaqida Camp Nou xaggaagan.

Laakiin Barcelona wali xiriir lama samayn kooxda Arsenal, taageerayaasha Barca ayaana soo dhaweeyay in Bellerin lagu badalo Alves.

89% taageerayaasha Barcelona ayaa soo dhaweeyay in Hector Bellerin lagu badalo Dani Alves halka 11% ay ka soo horjesteen.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close