AQRISO: Wararkii ugu dambeeyay ee maanta laga qoray suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

jariirad(Europe) 26 Maajo 2016. Aqriste waxaan halkan kugu heynaa oo aan kugu soo ururinay wararkii ugu dambeeyay ee maanta laga qoray suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Ka aqri halka hoose:

Arsenal ayaa loo sheegay inay bixiso 38-milyan oo bound haddii ay doonayaan inay la wareegaan weeraryahanka Juventus ee Alvaro Morata, 23-jir. (The Sun).

Kubbad qaabeeyaha reer Germany Mesut Ozil ayaa dib u dhigay markii labaad wada hadalada heshiis kordhinta Gunners, 27-jirka ayaan dooneyn inuu galo wax wada hadalo ah inta laga gaarayo wixii ka dambeeya Euro 2016. (Times – subscription required).

  Weeraryahanka reer France Antoine Griezmann, 25-jir ayaa ka tagi kara Atletico Madrid xagaagan kaddib markii uu wakiilkiisu sheegay inuu ka fikirayo dalabyo kaga imaanaya kooxo badan. (Daily Mail).

Laakiin Griezmann ayaa la joogi doona kooxda reer Spain maxaa yeelay “Wuxuu jooga meesha saxda ah, tababaraha saxda ahna wuu ka hoos ciyaaraa waqtiga saxana way tahay” waa sidaa sheeganaya saxafiga reer Spain eee Graham Hunter. (BBC Radio 5 live).

Chelsea ayaa hogaamineysa tartanka loogu jiro Griezmann, kaa oo 32-gool dhaliyay 55-kulan uu u saftay xilli ciyaareedkan kooxda taagan finalka Champions League ee Atletico Madrid. (Daily Mirror).

Arsenal, Manchester City, Manchester United, Juventus iyo Inter Milan ayaa dhammaan wada xiiseynaya inay Barcelona ka soo kaxeystaan xiddigii hore ee qadka dhexe daafaca ee Liverpool Javier Mascherano, 31-jir. (Daily Express).

Tababaraha la filanayo ee Man United Jose Mourinho ayaa 60-milyan ku bartilmaameedsanaya laacibkiisii hore ee Chelsea Willian, 27-jir. (Sun).

Weeraryahanka reer Sweden Zlatan Ibrahimovic, 34-jir ayaa u sheegay Manchester United inuu doonayo inuu ku soo biiro iyaga laakiin wuxuu doonayaa 15-milyan oo euro oo u dhiganta 11-milyan oo bound sanadiikaba si uu ugu soo dhaqaaqo. (Guardian).

jariiraddo

PSG ayaa wada raacdada ay ugu jirto xiddiga Leicester City N’Golo Kante, lakiin 25-jirka ka ciyaara qadka dhexe ayaa doorbidaya inuu sii joogo Premier League xilli ciyaareedka soo socda. (Daily Mail).

Jose Mourinho ayaa sidoo kale bartilmaameedsanaya weeraryahanka Napoli Gonzalo Higuain kaa oo ahaa gool dhaliyaha ugu sarreeya Serie A kal ciyaareedkii dhawaan idlaaday. Tababaraha reer Portugal ayaa wacay wakiilka 28-jirkan si uu ugu soo jiito Premier League. (Daily Star).

Weeraryahanka Everton Romelu Lukaku, 23-jir ayaa sheegay inuu si edboon u dhageysan doono maalgishtayaasha cusub ee kooxda laakiin uu diyaar u yahay inuu ka tago Blues maadaama uu doonayo inuu koobab ku guuleysto. (Daily Star).

United ayaa wada hadalo la yeelatay daafaca Roma Kostas Manolas, 24-jir, waxayna doonayaan inay ka bixiyaan 30.3milyan oo bound. (Sky Sports Italia, via Daily Express).

Xiddiga qadka dhexe ee Man United Bastian Schweinsteiger, 31, ayaa sheegay in qof kastaa jeclaan lahaa inuu ka hoos shaqeeyo Mourinho wuxuuna filanayaa Derby Manchester xiiso badan marka uu macallinka reer Portugal uu dib u soo cusbooneysiiyo cadaawadiisa tababaraha soo socda ee Man City Pep Guardiola. (Times – subscription required).

Daafaca waqtiga dheer u adeegayay Liverpool Martin Skrtel ayay 90% hubaal tahay inuu xagaagan ka tagayo Anfield, waxaa sidaa yiri wakiilka 31-jirka reer Slovakia. (Daily Express).

Xiddiga qadka dhexe ee Eveton Gareth Barry, 35, ayaa sheegay inuusan ka fikireyn inuu ka fariisto ciyaaraha wuxuuna doonayaa inuu sii ciyaaro inta ugu macquulsan ee ugu dheer.  (Liverpool Echo).

Liverpool layaa kula soo biirtay kooxaha ka dhisan magaalada Mancheseter ee Man United iyo Man City tartanka loogu jiro 17-jirka daafaca uga ciyaara West Ham Reece Oxford, kaa oo lagu heli karo 10-milyan oo bound kaddib markii uu diiday dalab heshiisi kor dhin ah. (Daily Mirror).

Waxaa kuu soo ururiyay: Cabdisamed Maxamed Xasan (Black Yare).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close