Waa tee kooxda uu doonayo Cristiano Ronaldo inuu ku soo gabo gabeeyo waayihiisa ciyaareed?

cr

(Madrid) 25 Maajo 2016. Laacibka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa kula jooga kooxda reer Spain heshiis ka dhacaya ilaa 2018-da.

Kabtanka xulka Portugal ayaana sheegay inuu diyaar u yahay inuu waayihiisa kubbada cagta ku soo afjaro Real Madrid wuxuuna doonayaa inuu heshiis cusub qallinka ku duugo.

31-jir ayaa kula jooga kooxda ka dhisan caasimadda Madrid heshiis ku eg ilaa 2018-da waxaana lala xiriirinayay kooxaha PSG ee dalka Faransiiska iyo inuu dib ugu laabanayo kooxdiisii hore ee Man United.

Horaantii sanadkan, Ronaldo ayaa qishay inuu u dhaqaaqi karayo horyaalka MLS ee dalka Mareykanka laakiin xiddiga reer Portugal ayaa iminka diyaar u ah inuu waayihiisa ciyaareed ku soo afjaro Los Blancos.

“Way iska cadahay waxaan doonayaa inaan joogo halkan, waxaan u maleynayaa inaan ciyaaraha uga fariisan doono Real Madrid,” Ronaldo ayaa sidaa u sheegay La Sexta’s ‘Jugones’ show.

“Inaan heshiiska cusbooneysiinayo Champions League kaddib? Real Madrid kuwa caqli leh ayay noqon doonaan haddii ay ballaariyaan heshiiskeyga.

“Waan ku faraxsanahay Real Madrid, ma arko koox ka fiican midan.”.

 cr1

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close