Pepe Reina oo isku soo bandhigay Barcelona iyo kooxda reer Spain oo go’aan ka qaadatay arinkaas

(Barcelona) 25 Maajo 2016 Goolhayaha kooxda Napoli Pepe Reina ayaa isku soo bandhigay Barcelona si ay ula wareegto suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Sport ayaa baahisay in wakiilka Pepe Reina uu saaka gaaray magaalada Barcelona si uu uga dhaadhiciyo maamulka Barca dib u soo laabashada Reina oo kooxda koowaad u ciyaaray sanadihii u dhexeeyay 2000 ilaa 2003.

Barcelona oo go’aan cad ka qaadatay arinkaas ayaana ku wargalisay wakiilka Pepe Reina in kooxdu haatan aysan u baahnayn goolhaye dheeraad ah maadama ay haystaan Bravo iyo Ter Stegen.

Marka lagareebo Bravo, mustaqbalka Ter Stgen ee Barcelona ayaa wali mugdi ku jira laakiin tababare Luis Enrique ayaa iskudayaya inuu ku qanciyo sii joogida Camp Nou.

Pepe Reina oo 33 jir ah ayaa kula jira Napoli heshiis ku eg 2018, balse wuxuu doonayaa inuu dib ugu soo laabto kooxdiisii hore ee Barcelona.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close