Maxay tahay sababtay uu Granit Xhaka ugu biiray Arsenal, maxayse tahay sababta uu Arsene Wenger ula soo wareegay xiddigan?…(Aqriso jawaabaha)

wiilka

(London) 25 Maajo 2016. Arsenal ayaa gacanta ku soo dhigtay saxiixeeda ugu horreeya ee xagaaga kaddib markii ay 33.1-milyan kula soo wareegtay Granit Xhaka.

Haddaba xiddiga qadka dhexe ayaa ka hadlay sababata uu ugu soo biiray Gunners halka tababare Arsene Wenger uu isna ka hadlay sababta uu ula soo wareegay 23-jirkan.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan joogo, waa riyo ii rumowday, waana faraxsanahay.”. Xhaka ayaa sidaa u sheegay arsenal.com.

“Waan xusuustaa waan yaraa kulankii ugu horeeyay ee aan fiirsado wuxuu ahaa Premier League.

“Aniga ahaan waa riyo wayn, iminka oo aan halkan joogana aad iyo aad ayaan u faraxsanahay.

“Aad ayaan uga helaa Arsenal. Waan ka helaa qaabka kubbada cagta ee Premier League.

“Waa kubbad dagaal waana  jeclahaya sida ay Arsenal u ciyaarto kubbada cagta, ma ahan sida dalalka kale, laakiin halkan aad iyo aad ayay ugu fiican tahay.”.

Tababare Arsene Wenger ayaa isna markiisa ka hadlay saxiixiisa cusub isagoona ku sheegay sababta uu ula soo wareegay inay tahay qibradiisa baaxadda leh iyo tayadiisa ballaaran.

wiilka1

“Granit Xhaka waa ciyaaryahan yar oo xiiso leh isla markaana durba helay khibrad Champions League iyo Bundesliga-ha.” Wenger ayaa sidaa yiri.

“Waxaan daawaneynay isaga waqti dheer oo iminka laga joogo waana ciyaaryahan kaa oo tayo ku soo kordhin doona shaxdeena.

“Waxaan Granit u rajeynaynaa Euro 2016 wacan uu la qaato xulkiisa Switzerland waxaana si xiiso leh u sugeynaa inaan ku soo dhaweyno Arsenal ka hor xilli ciyaareedka soo socda.”.

Xhaka ayaa kooxda uu Arsenal uga soo biiray ee Borussia Monchengladbach markeedii hore uga soo biiray kooxda Basel halkaa uu toban sano ku soo qaatay.

Intii uu la joogay kooxda Basel wuxuu Xhaka ku guuleystay labo jeer horyaalka dalkaasi Swiss iyo waliba Swiss Cup xilli ciyaareedkii 2011/12.

 wil

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close