Maxaa wali loogu dhawaaqi la’yahay magacaabidda Mourinho ee United? Ogow waxaan la’isku mari la’yahay qodobka xasaasiga ah oo fashilin kara heshiiska…..

(Manchester) 25 Maajo 2016. Mushaarka iyo qandaraas dheer ayaa la isla ogolaaday laakiin Special One wali waxa uu wada xaajood ka wadaa xuquuqda sawirada

1

JOSE MOURINHO waxa uu heshiis shaqsiyadeed la gaaray Manchester United, sida ay wararku qabaan.

Tababarihii hore ee Chelsea waxa uu qandaraas saddex sano ah oo ku kacaya £60million la meel dhigay United isaga oo noqon doona maamulahooda.

Laakiin wadahalka la xiriira xuquuqda sawirada ayaa wali socda waana muhiim in la dhameeyo kahor inta aan la saxiixin qandaraaska, sidaas waxaa warisay Sky Sports.

23

Wali ma cada in qodobadan la dhameyn doono xilli hore si uu Mourinho, oo 53 jir ah, qalinka ugu duugo heshiiska arbacada.

Wakiilka Mourinho, Jorge Mendes, kuma sugna Londin si uu waji ka waji ula meel dhigo axwaasha ku xigeenka madaxa fulinta United Ed Woodward, taas oo ka dhigan in heshiisku fashilmi karo.

United iyo Mourinho waxa ay kala leeyihiin gaashaan buur ganacsi midkoodna halis ma galin doono waajibaadkiisa.

Labada dhinacba waxa ay heshiisyo kula jiraan adidas, Mourinho waxa uu u yahay safiirka caalamka shirkada laga leeyahay Germany, kuwaas oo heshiis 10 sano ah oo ku kacaya £750m la saxiixday United, waxa uuna dhaqan galay 2015.

4 5

Laakiin Special One waxa uu heshiis kula jiraa Juguar –  shirkad toos ula xifaaltanta qolyaha maalgalaya funaanada United, Chevrolet.

Wadahadalada Mendes iyo Woodward u dhexeeyey oo lag daray kooxda sharciga ayaa dib loo gali doonaa arbacada.

Marka la isla meel dhigo xuquuqda sawirada, Mourinho ayaa si rasmiah loo xaqiijin doonaa in uu yahay tababaraha United.

6 7

Mourinho durbaba waxaa tusmeeyey in Zlatan Ibrahimovic uu si la yaab leh uga dhigi doono saxiixiisa cusub ee Old Trafford.

Swedishka oo ay da’diisu tahay 34, waxa uu qarka u saaran yahay in uu kooxda la gaaro heshiis sanad ah, waxa uu ku qaadan doonaa £10m, qeyb waxaa ka ah in sanad kale heshiiska loo kordhin karo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close