Maxaa Chelsea ku maray Mourinho oo ay caqabad ugu tahay in loo magacabo xilka tababare ee Manchester United?

NIP000238092530_15_2887600a

(London) 25 Maajo 2016. Waxaa la daahiyey in Jose Mourinho uu ku biiro Manchester United,  sababtuna waxa ay tahay Cheslea oo wali wax ku leh xuquuqda magaciisa.

Portuguese-ka waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo in uu badalay Louis Van Gaal kaddib markii Holland-diiska uu ku guul dareystay in uu kooxda Champions League u soo saari waayo xilli ciyaareedkan.

Iyada oo hada la filayo in Mourinho uu xilka tababare la wareego hadana waxaa arintaas hadkad galiyey arimo ku tacaluqa sharuucda.

04_24114136_8ee9a0_2885499a

Arintan waxaa udub dhexaad u ah in Chelsea ay sheegatay lahaanshaha magaca Mouriho.

Midowga Yurub ee xafiiskiisa hantida lagu ilaaliyo waxa uu  haya xog  muujineysa in magaca ‘Jose Mourinho’ ay tahay hantida kooxda kubadda cagta ee Chelsea.

NIP000017974532_15_2887555a

Waxaa la diiwaan galiyey bishii Maarso 2005, markaas oo uu tababarihii hore ee Real noqday maamulaha Blues xilli ciyaareedkiisii horeeyeyna u horseeday ku guuleysiga Premier League.

Magaca Mourinho waxaa ganacsi ahaan loogu isticmaalay adeeg kala duwan sida kabaha buudka ah, luujitada kabaha lagu caseeyo, dareeraha lagu nadiifiyo muraadayaha, biraha lagu socdo iyo nigisyo.

02_23204232_27bb09_2884548a

Tababaraha ku guuleystay Champions league laba mar ooh ore ayuu ka tagay intii waqtigaas u dhexeeysay mana jirin mar ay sheekadan caqabad ku noqotay.

Hada sidoo kale lama filayo in ay hor istaagto ku biiridiisa Manchester United.

Mourinho wax mushaakil ah kuma qabo heshiisyada shaqsiyadeed ee ay United us oo bandhigtay balse waxaaa qasab ah in qodobkan marka hore meesha laga saaro inta aan si rasmi ah loogu dhawaaqin magacaabidiisa.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close