Laacib ku dhaqaaqay tillaabo ay la yaabi doonaan taageerayaasha Real Madrid

(Napoli) 25 Maajo 2016 – Jose Maria Callejon ayaa isu bandhigay kooxda Barcelona, sida uu sheegayo warsidaha Sport, balse Napoli ayaa dalbanaysa €30m waloow loola diyaar yahay ugu badnaan €18m.
Sida uu sheegayo warsidahan Spanish-ka ah ee Sport ayaa sheegaya in 29-jirkani uu caddeeyey inuu doonayo ka ciyaarista Camp Nou.
Valencia ayaa sidoo kale xiiseeynaysa garabkan oo 13 gool u dhaliyey 13 goolna dhigay 47 kulan oo uu fasalkan kooxdiisa u saftay.
Waxay arrintani noqon doontaa tillaabo la yaab leh maaddaama uu laacibkani kusoo barbaaray akadamiyaha kooxda Real Madrid oo uu Napoli uga wareegey 2013.
Warka ayaa sheegaya in Napoli ay dooneeyso €30m haddiiba ay fasaxeeyso Callejon, yeelkeede Barcelona ayaan bixin doonin wax ka badan €18m.
Gool FM