Inta uusan qaban Man United shaxdii ugu adkeyd oo laga sameeyey xiddigihii uu soo hoggaamiyey Jose Mourinho

football-rex.jpg

(Yurub) 25 Maajo 2016 – Sida lagu wado kooxda Manchester United ayaa hoggaankeeda cusub ee tababarenimo u magacaabi doonta Jose Mourinho, balse  inta uusan qaban Mourinho kooxda Man United waxaa shaxdii ugu adkeyd laga sameeyey xiddigihii uu soo hoggaamiyey.

Kooxdan Mourinho waxa uu shabaqa ku aaminay goolhaye Petr Cech oo xilligiisii Chelsea fure u ahaa saddex Premier League oo uu la qaaday Blues, waxaana uu ka door biday goolhayihii Real Madrid uu macallinka ugu ahaa ee Iker Casillas.

Dhanka daafaca waxa uu dhanka midig ee difaaca soo qaatay Javier Zanetti oo uu ka door biday Branislav Ivanovic iyo Alvaro Arbeloa, halka daafaca bidix uu soo doortay Ashley Cole, daafaca dhexe waxa uu isku lammaaniyey kabtankiisii Chelsea ee John Terry iyo Ricardo Carvalho.

Macallinka reer Portugal waxa uu khadka dhexe u soo doortay afarta ciyaaryahan Claude Makelele, Frank Lampard, Wesley Sneijder iyo Mesut Ozil.

Weerarka waxa uu is garab dhigay labada weeraryahan ee Didier Drogba iyo Cristiano Ronaldo, iyadoo kooxdan uu boos ka waayey Zlatan Ibrahimovic.

Halkaan hoose ka eeg shaxda kooxda Macallin Mourinho waana 4-4-2:-

Mourinho-XI-formation-tactics

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close