EEG SAWIRKA: Malaha Baabuurkan waa kii Jose Mourinho u qaadi lahaa Man United

jose1

(London) 25 Maajo 2016. Waxaa la soo sawiray baabuur wata taargada Man United oo taagan guriga Jose Mourinho hortiisa malaha waa baabuurkii u qaadi lahaa Old Trafford.

Baabuurka ayaa galabta lagu arkay guriga Jose Mourinho ee ku yaala galbeedka London, wuxuu ahaa Mercedes-Benz oo madoow isla markaan uu ku xiran yahay taargo u qorneyd sidan ‘A5 UTD’.

Haddaba baabuurkan ma yahay kii Jose u qaadi lahaa Manchester?

Laba hubo wali laakiin tan la hubo ayaa waxay tahay inay socdaan wada hadalada uu ugu dhaqaaqayo Man United.

Express ayaa fahansan in magacaabista Mourinho ee Red Devils la xaqiijin doono 36-saacadood ee soo socota.

Tababarihii laga soo ceyriyay Chelsea ayaa shaqadiisa ugu horreysa noqon doontaa sidii uu Ryan giggs ugu qancin lahaa inuu sii joogo kooxda si uu qeyb uga noqdo shaqaalaha ka hoos shaqeeya.

Giggs ayaa dalxiis ugu duulay dalka Dubia, laakiin waxaa la fahansan yahay inuu doonayo inuu door  saameyn leh ka hoos ciyaaro Jose Mourinho.

Tababaraha reer Portugal ayaa u soo kaxeysan doona Old Trafford gacantiisa midig ninka aysan marna kala harin koox kasta uu soo leyliyay Rui Faria iyo waliba tababaraha goolhayayaasha ee Silvinho Lour.

Ku xigeenka madaxa fulinta Man United Ed Woodward ayaa shalay London  kula kulmay wakiilka Mourinho ee Jorge Mendes.

Wada hadalada heshiiska ayaa weli socda laakiin United ayaa filaneysa inay ku dhawaaqdo in Mourinho yahay macallinkeeda cusub berito oo khamiis ah.

Mourinho ayaa lagu wadaa in loo gacan galiyo adduun dhan 200 oo milyan si uu suuqa ugu qarash gareeyo xagaaga isla markaana kooxdii Van Gaal u badelo ku guuleystayaal Premier league.

Weeraryahanka reer Sweden Zlatan Ibrahimovic ayaa ah mid ka mid ah bartilmaameedyadiisa ugu sarreeeya waxaana si xor ah looga heli karaa PSG.

Daafacyada Everton iyo Real Madrid John Stones iyo Raphael Varane, xiddiga qadka dhex ee Sporting Lisbon Joao Maria iyo weeraryahanka Borussia Dortmund Emerick-Aubameyang ayaa sidoo kale la maleynayaa inay diirada u saaran tahay Jose.

EEG SAWIRKA:

jose

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close