EEG FARIINTA: Jose Mourinho waa macallinka cusub ee Man United

eeg4

(London) 25 Maajo 2016. Waxaa saacadba saacada ka dambeysa isa soo taraya oo meel fiican sii gaaraya sheekada Jose Mourinho iyo Man United.

Macallinkak reer Portugal ayaa la filayaa in loo soo bandhigo sida macallinka cusub ee Man United usbuucan.

Warbaahiyayaasha, sawirqaadayaasha, kaamiro maanada ayaa deegan ka dhigtay bannaanka guriga Jose Mouirnho ee galbeedka London iyadoo ay soo dhowdahay xaqiijinta imaanshihiisa Man United.

Haddaba iminka Mourinho miyuu fariintan daaha uga rogay aqbaartii aan wada sugeynay?

Waxaa la sawiray Jose Mourinho oo ay fariin is dhaafsanayaan saaxiib, sidan ayuuna u muuqday inuu u dhacayay qoraalka “Haha, Aqbaar fiican!!!!

Ma kala cada in fariinta ay ahayd mid loo soo diray Jose Mourinho iyo inay ahayd mid uu isagu dirayay.

Sikastaba, waxay noqon kartaa qishkii ugu cadaa ilaa iminka in ninka ku guuleystay labada jeer Champions League iyo saddexda jeer Premier League uu gacanta ku dhigay shaqadiisa Old Trafford.

SAWIRRO:

eeg eeg1 eeg2 eeg3  eeg5

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close