Arsenal oo loo soo gudbiyay dalab lagu doonayo David Ospina

(London) 25 Maajo 2016 Kooxda Arsenal ayaa helaysa dalab u imaanaya goolhayeheeda reer Colombia ee David Ospina kaas oo aan ku qanacsanayn joogitaankiisa Gunners.

Wargayska HSB ee dalka Colombia ayaa baahiyay in kooxda Besiktas ee dalka turkigu ay dalab rasmi ah ka soo gudbisay goolhaye David Ospina.

Wakiilka David Ospina ayaa u safray dalka turkiga si uu wadahadalo dheeraad ah ula yeesho kooxda Besiktas ka hor inta uusan goolhayuhu u soo dhaqaaqin dhankooda.

Wararka ayaa intaa ku daraya in tababare Arsene Wenger uu wali ku fikirayo inuu sii haysto Ospina maadama uu u arko goolhaye muhiim u ah kooxdiisa xiliciyaareedka dambe.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close