AQRISO: Wax kasta oo aad uga baahan tahay inaad ka ogaato xiddiga cusub ee Arsenal Granit Xhaka

(London) 25 Maajo 2016. Arsenal ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay inay la soo wareegtay Xiddiga qadka dhexe ee naadiga Borussia Monchengladbach Granit Xhaka kaddib afar sano uu ka soo ciyaarayay horyaalka Bundesliga.
Waxaan jeclaysanay inaan dib idin kula wadaagno qoraalkan aan ka qornay waxyaabaha aad uga baahnaan karto laacibka cusub ee Arsenal kaa oo aan horey bogga ugu soo daabacnay afar maalmood ka hor.
Haddaba aqriste waxaan halkan kugu heynaa wax kasta oo aad uga baahan tahay Granit Xhaka.

Xhaka waa nin dheer oo ka ciyaara qadka dhexe kuna ciyaara lugta bidix, baasas halis ah dhiiba iyo shaqo adag, waxay sifooyinkiisaas soo jiiteen tababaraha Liverpool Klopp iyo midka Arsenal Wenger.

Lambarkii ugu horreeyay uu xirto waayihiisa xirfalenimo wuxuu ahaa NO. 34, waana Lambar uu u qaato koox kasta oo uu ku biiro, iminkana waxaa la filayaa in isla lambarkaa uu u xiran doono kooxda.