XAN: Mourinho oo doonaya inuu Karim Benzema ku soo biiriyo Man United

Ben

(Manchester) 24 Maajo 2016 – Tababaraha qarka u saaran inuu hoggaanka u qabto kooxda Manchester United ayaa doonaya inuu Karim Benzema la saxiixdo oo uu keeno garoonka Old Trafford sida ay warinayso jariiradda The Independent.

Mourinho waxa uu ku dhow yahay inuu Louis van Gaal ka bedelo shaqada garoonka Old Trafford, waxaana uu doonayaa inuu la saxiixdo labo weeraryahan xagaagan, weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema ayaana diiradda u saaran iyo sidoo kale Zlatan Ibrahimovic, kaasoo ku dhow inuu beeca xorta ah ugu biiro United.

Manchester United waxa ay ka war qabtaa, inay si kastaba dhib ahaan doonto in la dhamaystiro heshiiska Benzema, kaasoo wadahadallo heshiis kordhin ah kula jira kooxda ku ciyaarta garoonka Santiago Bernabeu.

Xiddiga xulka qaranka Faransiiska ayaana horay isaga diiday inuu u dhaqaaqo horyaalka Ingiriiska ee Premier League, isla markaana uu ku biiro labada kooxood ee Man United iyo Arsenal midkood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close