SAWIRRO: Ronaldo oo isaga baxay tababarka Real Madrid kadib dhaawac cusub oo soo gaaray

(Madrid) 24 Maajo 2016 Cristiano Ronaldo ayaa isaga baxay garoonka tababarka Real Madrid xili ay isku diyaarinayeen saaka kulanka kama danbaysta ah ee final-ka koobka horyaalada yurub.

Laacib kaan ayaa xanuun ka dareemay muruqa bowdada bidix kadib markii ay isku dheceen daafaca reer spain ee Dani carvajal.

AS ayaa sheegaysa in dhaawaca laacib kaan uusan ahayn mid culus balse tababare Zidane uu ka baqay in xanuunkiisu uu sii bato.

Real Madrid wali kama hadlin dhaawacaan cusub ee soo gaaray laacib kooda inkasta oo 4 maalin ay ka dhimantahay kulanka Atletico Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close