”Milan-tani middii aan aqaanney ma aha” – Abiatti

(Milano) 24 Maajo 2016 – Goolwalaha ciyaaraha ee Christian Abbiati ayaa weerar culus ku qaaday hab-dhaqanka laacibiinta AC Milan, jeer uu ciyaaraha ka fariistay isagoo 38-jir ah.

“Waxaa jira 4 ama 5 laacib oo aan sameeynin wixii la waydiistey, mana xitaa ka hadlayo khaladaadka ay garoonka ka sameeyeen oo qura, haddii ay hal laacib ahaan lahayd waan go’doomin lahayn lkn waa adag tahay inaad wax ka qabato laacibiin badan” ayuu ku yiri Gazzette dello Sport.

“Haddii aan indhaha isku qabto oo aan ka fikiro Milan-tii aan usoo ciyaaray ilaa lagasoo gaarayey 2011, waxaan arkayaa koox gebi ahaanba ka duwan middii aan aqaanney marka dhan kasta laga eego. Waxaan gocanayaa waxyaabihii ay i bareen Demetrio Albertini, Alessandro Costacurta iyo Paolo Maldini” ayuu raaciyey.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay arrin uu sameeyay Carlos Bacca oo markii bedel loo taagey kulankii Carpi iska dhaqaajiyey isagoon xitaa salaamin laacibkii bedeley.

“Waan la taliyey markii aan galnay qolka lebiska, balse markii aan dhinacyada eegay waan waayey qof i taageera. Waxay ila tahay in haddii aadan qiyam gudeed lahayn aadan xiiseeynaynin kuwa dibedda. Waayihii [Gennaro] Gattuso haddii ay ahaan lahayd baangad buu lasoo bixi lahaa.”

Abbiati ayaa Milan ugasoo biiray kooxda Monza 1998, isagoo 18-sano kaddib sanadkan ciyaaraha gebi ahaanba ka fariistay.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close