Man City oo la filayo inay maanta shaaciso saxiixa Ilkay Gundogan

(Manchester) 24 Maajo 2016 Kooxda lacagta badan ee Man City ayaa soo afjartay saxiixa laacibka qadka dhexe ee kooxda Borussia Dortmund Ilkay Gundogan.

Wargayska Bild ee ka soo baxa Germanka ayaa shaaciyay in Man City ay ku soo afjartay saxiixa Ilkay Gundogan aduun dhan 20 milyan oo Ginni.

25 jirkaan reer German ayaa qalinka ugu duugaya kooxda macalin Pep Guardiola heshiis 4 sano ah, inkasta oo aan la shaacin mushaarka uu qaadan doono.

Man City ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo saxiixa Ilkay Gundogan goordambe oo maanta ah sida lagu sheegay warbixinta uu daabacay wargayska Bild.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close