Chelsea oo dalab ka gudbisay daafaca Napoli ee Kalidou Koulibaly

(London) 24 Maajo 2016 Kooxda Chelsea ee dalka ingiriiska ayaa dalab ka gudbisay daafaca halista ah ee kooxda Napoli Kalidou Koulibaly sida ay shaacisay Express.

Chelsea ayaa la sheegay inay hordhigtay dhigeeda Napoli aduun lacageed dhan 23 milyan oo Ginni si ay u hesho Kalidou Koulibaly.

24 jirkaan reer Senegal ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xiliciyaareedkii dhanmaaday horyaalka talyaaniga wuxuuna diirada u saaranyahay kooxo badan oo ka dhisan yurub.

Tababare Antonio Conte ayeey ka go’antahay inuu kooxdiisa xoojiyo suuqaan xaggaaga si uu ugu hogaamiyo koobab xiliciyaareedka soo socda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close