Waa sidee xaalka Ryan Giggis miyuu isna raacay dadkii laga ceyriyay Man United?

gigggs

(Manchester) 23 Maajo 2016. Waxaa isla kacsan xaalada kooxda Man United oo waxaa goor dhow lagu dhawaaqay in xilka laga xayuubiyay tababare Louis van Gaal.

Waxaa kaloo la ceyriyay tababarayaashii ka hoos sheqeynayay ee reer Holland sida, Albert Stuivenberg: Wuxuu ahaa caawiyaha Van Gaal.

Frans Hoek: Wuxuu ahaa tababaraha goolhayayaasha kooxda.

Max Reckers: Wuxuu ahaa midka qiimeeya isla markaana falanqeeya bandhigyada kooxda.

Laakiin waxay calaamatu su’aal saaran tahay sheekada Giggs, miyaa la ceyriyay isna mise isagaa iska tagay mise wuxuu la shaqeyn doono Jose Mourinho oo la filayo inuu qabto xilka Red Devils.

Qoraa ka tirsan Sportsmail Mike Keegan ayaa tiwitter ku soo qoray in Ryan Giggs isna la hadal hayo inuu ka tagay kooxda, laakiin lama xaqiijin arrinkan.

Giggs

Sikastaba, wixii ka soo kordha sheekadan qasan ee Man United waxaa talaabo talaabo idin kula socod siin doona goolfm.net.

 Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close