“Waa maxay sababta la iiga ceyriyay shaqada?,” Van Gaal oo jawaabta su’aashan uga fadhiya maamulka Man United

(Manchester) 23 Maajo 2016. Van Gaal ayay ka dagi la’dahay in laga qaaday xilka Man United wuxuuna uga fadhiyaa maamulka kooxdan inay uga jawaabaan sababata ay xilka uga qaadeen.

Kuwa ka hoos shaqeeya Van gaal ayaa weli sheeganayay inay xilli ciyaareedka soo socda sii joogi doonaan Old Trafford kaddib markii ay ku guuleysteen FA Cup sabtidiii, waxayna durba qorsheynayeen howlahooda ku aadan kal ciyaareedka cusub.

Laakiin iminka waxay dareemayaan in la khiyaamay waxayna ka doonayaan madaxa fulinta Man United Ed Woodward iyo waliba qoyska leh kooxdan ee Glazer inay u sharaxaan sababta ay xilka uga qaadeen.

Sunsport ayaa markii hore daaha ka rogtay in Man United ay la xiriirtay Mourinho bishii December wax yar kaddib markii laga soo ceyriyay Chelsea.

Jariirada ayaa misane bishii March shaaca ka qaaday in heshiis saddex sano ah oo ku kacaya 60-milyan oo bound uu qalinka ku duugi doono Jose dhammaadka xilli ciyaareedka.

Iminka waxaa la sugayaa uun inuu qallinka berito ku duugo heshiiska Man United wuxuuna intaa kaddib Mourinho qiyaar siin doonaa Ryan Giggs inuu doonayo inuu la shaqeeyo mise inuu tago.

Marka laga soo tago Giggs,  Jose ayaa u badax banaanaan doona jogo u magacaabista shaqaalaha kale.

van haal

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close