Twitter-ka oo isla kacay kaddib warka sheegaya in Zlatan Ibrahimovic uu ku biiray Man United…(Aqriso wixii ay ka yiraahdeen taageerayaasha Red Devils)

jooose

(Manchester) 23 Maajo 2016. Jariiradda reer Holland ee De Telegraaf ayaa warineysa in Zlatan Ibrahimovic uu xiran doono maaliyaada gaduudan ee Man United xilli ciyaareedka soo socda.

Taageerayaasha Man United ayaa durba isla kacay oo baraha bulshada wax uga yiri sheekadan, kuwa ayaa aad ugu faraxsan kuwana waa ka soo horjeedaan.

Taageere ayaa ku soo qoray boggiisa tiwtterka “Ala maxay maalin qurxoon u tahay taageerayaasha Man United, waxay u muuqataa inaan helayno Jose Mourinho iyo Ibrahimovic welina xitaa lama gaarin June”..

Ku kalaa isna yiri: “Ibrahimovic oo ciyaaryahan ah iyo Mourinho oo macallin ah, ma dhab baa mise waa khiyaali? Aad ayaan u xiiseynayaa”.

“Ibrahimovic iyo Mourinho? Old Trafford waxa ay xilli ciyaareedka soo socda noqon doontaa masraxa dadka isla qob wayn oo cagsi ku ah masraxa Riyada”.

“Mourinho iyo Ibrahimovic waxay dadka ka yeeli doonaan inay meel fariistaan dareenkoodana siiyaan, Van Gaal iyo Rooney way ku guul darreysteen midaa.”.

“Waxay u muuqataa inaan la soo saxiixaneyno Ibrahimovic.”.

“Waxaan ku guuleysanay FA Cup, Van Gaal waa la ceyriyay, Jose Mourinho waa tababaraha cusub, Zlatan Ibrahimovic oo noo saxiixay, ala muxuu usbuuc noqon doonaa,”.

“Mourinho iyo Ibrahimovic dhab ma ahan.”.

“Ma rumeysan karo inay run tahay xanta ku aadan Mourinho iyo Ibrahimovic. Dhabtii qol uguma banaana Old Trafford labadan isla qobka wayn.”.

“Marbaan iri markale ayaana ku celinayaa, Ibrahimovic waa uu ku fashilmayaa Premier League,”.

“34-jir Zlatan Ibrahimovic oo aadaya Man United? Aaway kuwii ku haboonaa Man United? 34-jir waana u dabaal dageysaa?”.

“Ma hubo inta heerka sare uga hartay Ibrahimovic, laakiin weli goolal ayuu dhalinayaa sidaa darteed way wacnaan doontaa inaan ku arko Man United xagaaga soo socda.”.

“Zlatan oo ku soo jeeda Old Trafford. Zlatan iyo Jose, shirarkaas jaa’id waxay noqon doonaan kuwa xiiso leh,”.

twit twit1 twit2 twit3 twit4 twit5 twit6 twit7 twit8 twit9 twit10 twit11

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close