Tani ma tahay QISHKII ugu waynaa in Jose Mourinho uu qabanayo xilka Man United?..(DAAWO SAWIRRO)

Jose

(London) 23 Maajo 2016. The Sun ayaa soo bandhgitay sawirro bixinaya qishkii ugu waynaa in Jose Mourinho uu ku soo jeedo kooxda Man United si uu u qabto xilkii laga qaaday Van Gaal.

Waxay soo sawirtay jiiradda afka dheer niman alaabo ka raray guriga Jose Mourinho ee London ku yaala.

Van Gaal ayaa la ceyriyay maanta iyadoo ay jirto inuu kooxda ku hogamaiyay FA Cup kii ugu horreeyay muddo 12-sanadood kaddib.

Mourinho oo 53-jir ah ee ah kan ugu cad cad inuu badelo macallinka reer Spain ayaa si gambasho lahayn u sheegay rabitaankiisa ku aadan inuu qabto xilka Old Trafford.

Sunsport ayaa markii hore daaha ka rogtay in Man United ay la xiriirtay Mourinho bishii December wax yar uun kaddib markii laga soo ceyriyay Chelsea.

Wakiilada tababarihii hore ee Blues ayaa lagu wadaa inay la kulmaan maamulka sare ee Man United birito oo talaada ah si ay uga hadlaan heshiiskiisa.

Waxaa la filayaa in loo bandhigo heshiis saddex sano ah oo ku kacaya 60-milyan oo bound taa oo ka dhigeysa tababaraha ugu mushaarka badan Premier League.

Laakiin xiddigaha waa wayn ee Man United ayaa la warinayaa inaysan ku qanacsanayn in Jose Mourinho yahay midka ku haboon inuu kooxda horey u sii kaxeeyo.

SAWIRRO:

jose1 jose2 jose3 jose4 jose5

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close