SHEEKO CUSUB: Zlatan Ibrahimovic oo ku biiray Man United

zlatan

(Holland) 23 Maajo 2016. Zlatan Ibrahimovic ayaa horaantii bishan xaqiiijiyay inuusan heshiis cusub u saxiixin PSG isla markaana ka tagayo marka uu dhamaado xilli ciyaareedka.

Weeraryahanka reer Sweden ayaa afar sano ku qaatay kooxda reer france wuxuuna u dhaliyay 156-gool 180 kulan uu u saftay. Wuxuu kaloo ka caawiyay kooxdiisa inay ku guuleysato League 1 afar jeer oo xiriir ah.

Jariiradda reer Holland ee De Telegraaf ayaa warineysa in joog dheeraha kabtanka u ah xulkiisa Sweden uu xiran doono maaliyaada gaduudan ee Man United xilli ciyaareedka soo socda.

Red Devils ayaa maanta erisay Louis van Gaal iyadoo tababarihii hore ee Chelsea Jose Mourinho la filayo inuu qabto xilka Old Trafford.

Bastian Schweinsteiger of Manchester United during the UEFA Champions League group B match between Manchester United and PSV Eindhoven on November 25, 2015 at Old Trafford in Manchester, England(Photo by VI Images via Getty Images)

Express ayaa fahansan in maanta Van Gaal lagu wargaliyay go’aanka in kooxda laga diray mar uu ku sugnaa xerada tababarka Man United ee Carrington.

Waxayna u muuqataa in Man United ay durba gacanta ku soo dhigtay saxiixeeda ugu horreeya ee inta uu kooxdooda u talinayo Mourinho.

Ibrahimovic ayaa la sheegay inuu dalabyo ka helay dhammaan adduunka oo  uu ka mid yahay dalab aad u qaali ah oo kaga yimid horyaalka Shiinaha ee (CSL).

Sikastaba, 34-jirka ka soo hoos ciyaaray Mourinho waagoodii Inter Milan ayaa la sheegayaa in lacagahaasi qaaliga ah uu ka doortay inuu ka hoos shaqeeyo saaxiibkii Jose Mourinho.

joooose

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close