“Guardiola kuma fashilmin Bayern Munich” – Manuel Neuer

(Munich) 23 Maajo 2016 Goolhayaha kooxda Bayern Munich Manuel Neuer ayaa difaacay tababarihiisa Pep Guardiola kaas oo ku guul daraystay inuu Champions League u qaado kooxda reer German.

Waqtigii Pep Guardiola iyo Bayern Munich ayaa soo idlaaday, tababaraha reer Spain ayaana laylin doona kooxda Man City ee dalka ingiriiska xiliciyaareedka soo socda.

Manuel Neuer ayaa sheegay in tababare Guardiola uusan ku fashilmin kooxda Bayern Munich inkasta oo uusan u qaadin koobkii ugu muhiimsanaa ee Champions League.

“Waa inaan dhahnaa tababareheenu ma jirto wax uu ku fashilmay inkasta oo kooxda uusan ku hogaamin Champions League” ayuu yiri Manuel Neuer.

“Seddexdii sano ee aan la shaqaynayay wuxuu ahaa cajiib, waxaan ku soo muujinay Champions League iyo Germankaba inaan nahay kooxda ugu fiican”.

“Waxaan soo muujinay kubadd aysan horay koox kale u soo bandhigin, taas mahadeedana waxay u laabanaysaa Pep Guardiola”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close