Dadka ay dooneeyso dalladda Milan iibsan rabta oo durba lasii sheegay

(Milano) 23 Maajo 2016 – Waxaa soo noqnoqonaya warar sheegaya in Unai Emery uu noqon doono ninka 1-aad ee ay bartilmaameedsan doonto kooxda AC Milan haddii ay lacalla la wareegaan maalqabeennada Chinese-ka ihi, kuwaasoo doonaya inay iibsadaan 70% ka tirsan saamiga kooxda Milan.

Madaxwaynaha Milan ee Silvio Berlusconi ayaa ka caga jiidaya inuu iibiyo kooxda, balse taasi meesha kama saarin wararka sheegaya in waxa ugu horreeya ee la xallin doono ay noqon doonaan ninkii fariisan lahaa kaydka kooxda Milan waase haddii uu isbedel dhoco.

Macallinka haatan ee Cristian Bronchi ayuu qandaraaskiisu ku egyahay ilaa iyo dhamaadka fasalkan, wayna adag tahay inay Milan sii heeysato kaddib markii ay kooxdu ku dhameeysatay kaalinta 7-aad ee Serie A isla markaana ay waydey Coppa Italia.

Sida uu faafinayo Corriere dello Sport, dallada Chinese-ka ah oo sida la sheegay uu hoggaaminayo ninka Internet-ka ka taajirey ee Robin Li, waxay diiraddu u saaran tahay macallinka Sevilla ee Unai Emery.

Waxaa dheer, inay doonayaan Medhi Benatia oo ka tirsan Bayern Munich si ay u xoojiyaan daafaca, maaddaama Bayern looga heli karo lacag dhan €20m.

Waxaa la filayaa in wada hadallada aan loo kala kicin ee haatan socdaa ay miro dhalaan wixii loo gaaro bartamaha Juunyo oo ah xilliga loo qabtay in si kama dambayn ah loosoo afjaro.

emery-benatia

cd

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close