XAN: Man United oo dalab ka gudbineysa Sadio Mane

mane

(Manchester) 22 Maajo 2016. Waxaa lagu soo waramayaa in Manchester United ay dalab u dirtay Southampton oo ay uga dooneyso Sadio Mane.

Red Devils kuwaas oo 2-1 uga badisay Crystal Palace fiinaalaha FA Cup sabtidii ayaa si xoogan 24 jirkan loola xiriirinayey bishii Janaayo laakiin Southampton ayaa iska caabisay xiisahaas.

Sida laga soo xiganayo The Sun, Man United waxa ay mar kale isku dayi doontaa saxiixa xiddiga waxa ayna diyaar ula yihiin £25m dhinaca Koeman.

Jose Mourinho ayaa la filayaa in loo magacaabo shaqada United bilowga asbuuca dambe.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close