Weeraryahannada ugu goolasha badan Premier League oo guul ku hogaamiyay xulkooda England…(SAWIRRO)

(England) 22 Maajo 2016. Xulka England oo is tijaabinaya ka hor tartanka Euro 2016 oo dhawaan ka furmi doona dalka Faransiiska ayaa 2-1 kaga kaga adkaaday xulka Turkiga ciyaar saaxiibtinimo ay ku yeesheen Etihad Stadium.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-1.

Bilowgii ciyaarta daqiiqadii 3-aad waxaa hogaanka u dhiibay xulka lagu naaneyso saddexda libaax xiddiga ku guuleystay gool dhalinta Premier League ee xilli ciyaareedkan Harry Kane.

Laakiin daqiiqadii 14-aad waxaa xulka Turkey u bar-bareeyay Hakan Calhanoglu.

Markii la isku soo laabtay ciyaarta qeybtii labaad daqiiqadii 72-aad waxaa rigoore ka khasaariyay xulka England Kane oo isagu dhaliyay goolkii furitaanka waxaana lagu galay rigoorada Vardy.

Laakiin Jamie Vardy ee isaguna ahaa laacibka labaad ee ugu goolasha badnaa Premier League kal ciyaareedkan ayaa goolka guusha u dhaliyay xulkiisa daqiiqadii 83-aad.

SAWIRRO:

england england1 england2 england3 england4 england5 england6 england7 england8 england9 england10 england11 england12 england13 england14 england15 england16 england17 england122

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close