Wakiilkiisa: Alvaro Morata ma garanayo halka uu ka ciyaari doono xiliciyaareedka dambe”

(Turin) 22 Maajo 2016 Wakiilka laacibka weerarka uga ciyaara Juventus ee Alvaro Morata ayaa sheegay in laacibka reer Spain uusan garanayn kooxda uu u ciyaari doono xiliciyaareedka dambe.

Real Madrid ayaa doonaysa inay dib ula wareegto laacibkeedii hore halka Arsenal, Man United iyo Chelsea ay doonayaan inay la wareegaan suuqa xaggaagan.

Wakiilka Alvaro Morata oo la hadlay shabakada Calcio Mercato ayaa yiri:

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in Morata uu dhaliyo goolkii Juventus ay ku qaaday Coppa Italia, waa laacib heer caalami ah”.

“Waqtigaan la joogo waxba kama garanayno kooxda uu u ciyaari doono mustaqbalka, Morata ma garanayo halka uu ka ciyaari doono xiliciyaareedka dambe”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close