Kooxda Barcelona oo markii 28-aad ku guulaysatay Copa del Rey, xilli ay isku riiqmeen Savilla+SAWIRRO

(Madrid) 23 Maajo 2016.Kooxda Barcelona ku guuleystay koobkeedii 28-aad ee Copa del Rey iyagoo 2-0 ku garaacay kooxda Sevilla kadib markii ciyaar ay labada kooxood isku riiqmeen taasi oo loo baahday waqtigii dheeriga iyada oo la bixiyay seddex kaar oo casaan.
Ciyaarta ayaa ahayd goolal la,aan ilaa 90 -kii daqiiqo ka dib,waxaana Barca ay ku ciyaareesay 10 nin ka dib markii Javier Mascherano uu qaatay casaan qaatay dhamaadkii qeybtii hore iyadoo Savilla laga saaray o Ever Banega oo isna la siiyey casaan qeybtii labaad ee waqtigii dheeriga ahaa.
Sevilla ayaa abuurtay fursado fiican intii lagu guda jiray xilliga caadiga ah, laakiin waxa ay ahayd mid lagu ilaaway gool uu dhaliyay Jordi Alba 97-daqiiqo waqtigii dheeriga ahaa waxaana Barcelona faa’iido siiyay Neymar oo kusii darsaday goolkii labaad daqiiqadii 122nd.
Sevilla ayaa sidoo kale ciyaaryahan kale laga saaray ka hor ita aysan dhamaan waana Daniel Carrico oo helay labo jaale oo degdeg ah saddex daqiiqo oo kaliya waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray.
Kooxda reer Catalan ayaa haatan dhameystirtay labanlaab maadaama ay usbuucii hore qaaday horyaalka La Liga iyada oo kusii dartay ku guuleysiga Copa del Rey waana xilli ciyaareedkii labaad oo isku xigta.
Sikastaba oo ay ahaataba taageereyaasha Barcelona ayaa aad ugu dabaal degay koobkan oo ay ku qaadeen caasimada Madrid garoonka Vicente Calderon waana markii 28-aad iyada oo ah kooxda ugu badan ee qaada koobkan.
HAMBALYO BARCA
SAWIRRO
Gool FM