Bayern Munich oo isugu soo baxday bartanka magaalad Munich si ay ugu dabaal degto labadeeda KOOB….(DAAWO SAWIRRO)

(Munich) 22 Maajo 2016. Bayern Munich ayaa isugu soo baxday bartanka magaalada Munich ee Marienplatz si ay ugu dabaal degto labadeeda koob.

Kooxda reer Germany ayaa usbuuc ka hor u dabaal degtay Bundesliga waxayna sidoo kale xalay ku guuleysatay DFB-Pokal kaddib markii ay rigoorayaal ku garaacday kooxda Borussia Dortmund.

Sikastaba, Munich ayaa isugu soo baxday bartanka magaalada ay ka dhisan yihiin si ay taageerayaashooda ugula dabaal degaan labadooda koob, waxaana qeyb ka ahaa dabaal degga tababare Pep Guardiola oo ka tagi doona isla markaan qaban doona kooxda Man City ee dalka Ingiriiska.

SAWIRRO:

bayern bayern1 bayern2 bayern3 bayern4 bayern5 bayern6 bayern7 bayern8 bayern9 bayern10

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close