RASMI: Tababarihii hore ee Napoli iyo Inter Milan Walter Mazzarri oo ku biiray Watford

(Watford) 21 Maajo 2016 Kooxda Watford ee dalka ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay la wareegtay tababarihii hore ee kooxaha Napoli iyo Inter Milan.

Sida Watford ay ku shaacisay Bogeeda rasmiga ah Walter Mazzarri ayaa qalinka ugu duugay kooxda reer ingiriis heshiis 3 sano ah.

Walter Mazzarri ayaa shaqada kala wareegaya tababaraha reer Spain Quique Sanchez Flores kaas oo laga cayriyay kooxda kadib xiliciyaareedkiisii ugu horeeyay ee watford.

54 jirkaan reer talyaani ayaa shaqo la,aan ahaa tan iyo markii laga cayriyay Inter Milan 2014, 1-da July ee 2016 ayuuna la wareegi doona shaqada kooxda Watford.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close