FA Cup Final: Jesse Lingard oo ka caawiyay Man United hanashada koobkii 12-aad ee FA Cup

(London) 21 Maajo 2016 Man United ayaa soo barbareeysay Arsenal kadib markii ay hanatay koobkoodii 12-aad ee FA Cup, waxaana ka caawiyay 23 jirkooda Jesse Lingard.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si xiiso leh, Man United ayaana weerar aan kala joogis lahayn ku soo gashay ciyaarta bilowgii hore.

Wiilasha Alan Pardew ayaa ku koobnaa difaac iyo weeraro gaadmo ah qaybtii hore taas oo keentay in lagu kala nasto 0-0.

Qaybtii dambe labada kooxood ayaa isku cunay fursado halis ahaa, Fellaini ayaa ku sigtay inuu hogaanka u dhiibo kooxdiiisa United kadib markii uu birta ku dhiftay kubadd banaanka loo dhigay.

Crystal Palace ayaa dhankeeda iska khasaarisay fursado dhawr ah oo ay ku heshay goolka David De Gea laakiin uma suuro galin inay goolal u sarifaan.

78 daqiiqo Puncheon ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Palace kadib markii uu meel cido ah ka helay kubadda isaga oo si qurux badan u daba mariyay goolhaye David De Gea wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

3 daqiiqo kadib Mata ayaa u soo barbareeyay Man United kadib markii uu goolhayaha daba mariyay kubadd uu u habeeyay Fellaini oo xabadka ugu koontaroolay wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-1.

Ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 1-1 waqtigii loogu talogalay taas ayaana keentay in lagu daro 30-daqiiqo oo dheeri ah si loogu kala baxo.

105 daqiiqo Chris Smalling ayaa casaan loo taagay kadib markii uu lugta ka qabtay ciyaaryahan goolka u furnaa kaas oo heli karay fursad qatar ah waxaana la siiyay digniintiisii labaad ee ciyaarta.

110 daqiiqo Jesse Lingard ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Man United kadib markii uu shuud xoogan dhex dhigay shabaqa Crystal Palace wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-1.

Ciyaarta ayaana ugu danbayntii ku soo idlaatay 2-1 oo guushu ku raacday kooxda macalin Louis Van Gaal.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close