HA CUNIN SI AAD U CIYAARTO: Xulka Talyaaniga oo laga mamnuucay cuntooyin muhim ah! (Maxaa ka mid ah)

(Coverciano) 21 Maajo 2016 – Antonio Conte ayaa xulka Talyaaniga ka mamnuucay jallaatada, pasta-da, pizza-da iwm si ay iyagoo faya qaba isugu diyaariyaan Euro 2016, iyadoo uu 46-jirkani caan ku yahay inuu xakameeyo xeerada laacibiinta taasoo uu sameeyn jirey xilligiisii Juve.

Sida uu qorayo La Stampa, wuxuu xulka Azzurri ka reebay cunnooyinka qaar sida baastada (marka laga reebo midda laga sameeyo qamadiga Khorasan, oo sidoo kale loo yaqaanno Kamut), wuxuu kaloo ka reebay grissini ama rootada la qallajiyey, pizza-da iyo macmacaannada.

Dab casaha ama karootada ayaa isna ku jira liiska madoow sonkorta ku jirta dartii, waxaana baararka yar yar ee ku yaalla xerada tababarka Coverciano ka reebban inay laacibiinta siiyaan jallaato, crisps-ka oo ah baradhada la qallajiyo iyo croissants oo ah rootiga macmacaanka la mariyo.

“Inaad laacib noqoto waa riyo, marka waa inaad ku dadaashaa,” ayuu Conte u sheegay calciomercato.it.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close