ACM VS JUV 0-1…Kooxda Juve oo noqotay kooxdii ugu horreeysey ee labaaleey isxigta qaadda + Sawirro

(Roma) 21 Maajo 2016 – Kooxda Juve ayaa sanadkeedii 2-aad oo xiriir ah isku qaadday labaaleey kaddib markii ay 1-o kaga badisay kooxda AC Milan waqtiga dheeriga ah waana kooxdii ugu horreeysey ee sidaa yeesha, kaddib markii 0-0 lagu kala baxay 90-ka daqiiqo.
Goolka Juve ayaa waxaa u ansixiyey ugaarsadaha Alvaro Marota oo ciyaarta bedel kusoo galay isla waqtigii dheeriga ahaa, isagoo baaska ka helay isla laacib kale oo bedel ku yimi kaasoo ahaa Cuadrado.
Kooxda AC Milan oo inta badan ciyaarta gacanta ku heeysey ayaan taas waxba ka faa’iideeysanin iyadoo khasaarineysey fursadaha ay hesho waxayna sidaa sanadkii 3-aad oo xiriir ah kaga maqnaanaysaa koobabka Yurub.
Kulankani wuxuu ahaa final-kii 4-aad ee labada kooxood dhexmara iyadoo ay Milan iska lumisay fursad ay 2-2 uga dhigi lahayd haddii ay caawa badin lahayd, waxaana sidaa 3 jeer ku badisay Juve, halka marka qura ee ay Milan badisay ay tahay 1973-kii.
Ciyaartan ayaa waxaa dadka daawanayey ka mid ahaa aktarka Russell Crowe ee keenay film-ka Galadiator oo dabcan ku saabsan dagaal-ciyaareedkii naftaadu haku furato ee Roman-kii hore.
Gool FM