UEFA oo baareeysa qalalaasihii kulankii Liverpool vs Sevilla

(Zurich) 20 Maajo 2016 – Liverpool iyo Sevilla ayaa lagu sameeyn doonaa baaris dhinaca anshaxa ah oo ay qaadi doonto UEFA kaddib qalalaasihii ay taageerayaashu ka oogeen dhamaadka Europa League oo ay 3-1 ku qaadday kooxda Sevilla, kulan ku qabsoomay Basle, Switzerland

Dagaallo ayaa ka dhex kacay taageerayaasha labada kooxood kahor ciyaartii Basle, kooxda Liverpool ayaa ku eedeeysan inay taageerayaasheeda qalalaase sameeyeen iyagoo gaar ahaan bulaleeyrro tuurayey, halka Sevilla sidoo kale lagu heeysto qalalaase iyo inay waxyaabo soo tuurayeen.

Guddiga anshaxa UEFA, ayaa kiiskan baadi doona tan iyo 21-ka Luulyo iyagoo go’aanka soo saari doona kaddib dhamaadka Euro 2016, iyadoo ay Reds u tahay markii 3-aad, waayo waxay sidoo kale qalalaasayaal uga sameyeen kulamadii B. Dortmund iyo Man Utd.

b

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close