“Tababare ayaan noqon doonaa marka aan ka fariisto kubadda cagta” – Iker Casillas

(Porto) 20 Maajo 2016 Kabtankii hore ee kooxda Real Madrid Iker Casillas ayaa sheegay inuu noqon doono tababare marka uu ka fariisto kubadda cagta.

Iker Casillas ayaa isaga tagay xaggaagii hore Real Madrid wuxuuna ku biiray kooxda FC Porto ee dalka Portugal wuxuuna haatan diirada saarayaa inuu ka fariisto kubadda cagta maadama uu yahay 35 jir.

“Waxaan doonayaa inaan noqdo tababare marka aan ka fariisto kubadda cagta, fikirkaas maanka ayaan ku haayaa, waxaanan ku dadaali doonaa sidii aan ku fulin lahaa fikirkaas aniga oo baranaya” ayuu u sheegay Marca.

“Qoyskaygu waxay igulataliyeen fikirkaas mid ka duwan, sababtoo ah waxay arkeen sidii aan ugu dhibtooday xirfadaan laakiin noloshayda ayaa ah kubadda cagta”.

Casillas ayaa la waydiiyay inuu u dhaqaaqi doono horyaalka MLS-ka maraykanka wuxuuna ku jawaabay:

“Waxaan doonayaa inaan sii joogo Porto ilaa dhamaadka heshiiskayga”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close