MASAWIR MURUGAYSAN: Taageere Coutinho oo murugeysan masawir ka codsaday + Sawirro

(Basel) 19 Maajo 2106 – Maqaam kasta maqaal ayuu leeyahay – balse in aad selfie ka codsato laacib ka tirsan Liverpool kaddib guuldarradii bahdilka ahayd ee xalay ku qabsatay final-ka Europe League ayaan dabcan ahayn xilli ku haboon

Wiilasha Jurgen Klopp ayaa 3-1 waxaa ku suuldaartay Sevilla, tiiyo ay hoggaanka gelinkii hore ku qabteen gool uu u dhaliyey Daniel Sturridge, kaasoo ay gelinkii dambe si gacan bannaan ay uga jawaabeen wiilasha reer Spain.

Laacibiinta iyo taageerayaasha Reds ayay qaarkood la ilmeeyeen guuldarrada – balse taageere ayaan ka labalabeeynin inuu sawir iska qaad ah la galo Philippe Coutinho oo murugaysnaa.

Laacibkan Brazilian-ka ah ayaan laftiisu u muuqanin mid ku faraxsanaa sawirka laga codsaday, isagoo u muuqda nin niyadda iska leh ”waar ninyohow maad iga daysid”…

b b1

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close