Klopp oo dusha saartay masuuliyada guul daradii xalay soo gaartay Liverpool

(Liverpool) 19 Maajo 2016 Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa dusha saartay masuuliyada guul daradii xalay soo gaartay kooxdiisa Final-ka Europa League.

Sevilla ayaa markii 3-aad oo xiriir ah ku guulaysatay Europa League kadib markii ay xalay 3-1 ku garaacday wiilasha tababare Klopp.

Jurgen Klopp ayaa sheegay inuu masuul ka yahay guul daradii soo gaartay kooxdiisa maadama uusan barin ciyaartoyda sidii ay uga faa’idaysan lahaayeen fursad walba oo ay helaan.

“Si fiican ayaan ku bilaabanay ciyaarta waxaanan dhalinay gool cajiib ah waxaana jiray gool kale oo nalaga diiday” ayuu yiri Jurgen Klopp.

“Qaybtii dambe kama hadlayo goolkii dhaqsida ahaa ee nalaga dhaliyay laakiin waxaan arkay ciyaartoyda oo aan sidii larabay xooga u saarayn kubadda”.

“Ma jirto mid kamid ah ciyaartoydayda oo aan masuuliyada dusha u saarayo, aniga ayaa masuul ka ah qaab ciyaareed kan, waayo ma gaarin heerkii aan uga faa’idaysan lahayn sifiican fursadaheena taasina waa shaqadayda”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close