“England diyaar ayeey u tahay ku guulaysiga Euro 2016” – Joe Hart

(London) 19 Maajo 2016 Goolhayaha xulka qaranka ingiriiska ee Joe Hart ayaa shaaciyay in xulkiisu uu diyaar u yahay ku guulaysiga koobka qaramada qaarada yurub ee 2016.

Joe Hart ayaa sheegay in looga baahanyahay ciyaartoyda xulka qaranka inay aaminaan awooda ay u leeyihiin ku guulaysiga Euro 2016 oo bilaaban doona 10-ka bisha June.

“Waxaa waajib nagu ah inaan u tartano koobka Euro, ma jiro xal kaas ka duwan, 3 isbuuc ayaa nooga hartay inaan isku diyaarino kulanka xulka Russia” ayuu u sheegay BBC Sport.

“Waa inaan aaminaa awooda aan u leenahay inaan ku guulaysano koobka, wax micno ah malahan ka qayb qaadashada koobka qaramada qaarada yurub haddii aadan ku guulaysanayn”.

Xulka qaranka ingiriiska oo noqday xulkii ugu horeeyay ee xaqiijiya u soo bixitaanka Euro 2016 ayaa markaana doonaya inuu ka baxo abaarta ka haysata koobabka caalamiga ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close