”Eeygayga Messi ayaa lagu magacaabaa” – Isco oo ka hadlay cidda magacaas u bixisay!

(Madrid) 19 Maajo 2016 – Laacibka khadka dhexe ee Real Madrid ee Isco ayaa sheegay inuusan eeygiisa jidka la mari karin, maaddaama buu yiri uu ku magac yahay jookarka Barcelona ee Lionel Messi.

24-jirkan oo xagaaga lagu wado inuu iskaga tago kooxda uu booska ka waayey ee Santiago Bernabeu ayaa Messi amaanay bilo kahor intuusan ku biirin Real isagoo yiri: “Messi waa laacibka dunida ugu wanaagsan, eeygayguna sidoo kale”.

Haddaba, si uu arrintaa uga baxsado ayuu Isco haatan eedda wuxuu dusha ka saarayaa qoyskiisa!

“Waa inaan iraahdaa, in ku magacaabista Messi ee eeygeeyga uu yahay aragti ay keeneen walaalkay iyo aabahey,” ayuu ku yiri Antena 3.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close