“Wixii hadal ah waxaan u daynay Madrid, koobabna Barcelona” – Gerard Pique oo u jawaabay saxaafada Madrid!

(Barcelona) 18 Maajo 2016 Daafaca kooxda Barcelona Gerard Pique oo goor dhaw qabtay shir jaraa’id ayaa ka jawaabay war ay daabaceen qaar kamid ah saxaafada magaalada Madrid.

Ka hor intii uusan dhamaan horyaalka Spain ee xiliciyaareed kan ayaa lagu soo qoray midkamid ah saxaafada Madrid in Zidane uu Real Madrid u qaaday La Liga, Gerard Pique ayaana ka jawaabay hadalkaas.

Pique ayaa sheegay in Madrid ay uga leexdeen hadalka isla markaana Barcelona ay sii wadi doonto ku guulaysiga koobabka gaar ahaan Copa del Rey.

“Ka leexda ha qoraan qisooyinkooda iyo filimadooda gaarka ah, inagu waxaan sii wadi doonaa guulaha iyo inaan matxafka Barcelona ka buuxino koobab” ayuu yiri Gerard Pique.

Pique ayaa la waydiiyay in haddii Real Madrid ay ku guulaysato Champions League in taasi ay hoos u dhigi doonto farxadooda, wuxuuna ku jawaabay:

“Maya, Haddii ay ku guulaystaan Champions League waan u hambalyeeynaynaa, waxaanan xooga saari doonaa inaan anaguna koobab ku guulaysano”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close