Chelsea oo ka furatay ADIDAS lana xiratay NIKE…(Blues waxaa ka qaalisan oo kaliya Man United)

 blue1

(London) 18 Maajo 2016. Naadiga Chelsea ayaa heshiis xayaysiin oo maaliyadeeda la gali doonta shirkadda Nike kaa oo ku kacaya sanadkiiba adduun dhan 60-milyan oo bound taa oo ka dhigi doonta heshiiskii labaad ee ugu qaalisanaa Premier League.

Blues ayaa horaantii bishan shaacisay in xilli ciyaareedka soo socda ay kala tagi doonaan shirkadda ay iminka heshiiska kula jirto ee Adidas, kaddib markii ay labada dhinac go’aansadeen in la soo ajfaro heshiiskooda lixda sano ee hore.

Heshiiska Chelsea ay kula jirtay Adidas ayaa sanadkii ku kacayay 30-milyan oo bound laakiin waxay mid kaa labo jibaar ku ah la gashay Nike iyadoo ay dhab ahaan Chelsea ay kal ciyaareedka soo socda ku tartami doonin Yurub.

Waxay tani ka yeelaysaa Blues inay noqoto naadiga labaad ee heshiiska ugu qaalisan maaliyadeeda ku  jirta oo waxaa ka horreeya oo kaliya Man United.

Blue

Heshiisyada ugu sarreeya ee xayaysiimaha maaliyadaha Premier League:

1) Manchester United – adidas (£75m-a-year)

2) *Chelsea – Nike (£60m-a-year)

3) Arsenal – Puma (£30m-a-year)

4) Chelsea – adidas (£30m-a-year)

5) Liverpool – New Balance (£25m-a-year)

6) Manchester City – Nike (£12m-a-year)

FIIRO GAAR AH: Heshiiska Chelsea ee Nike wuxuu saameyn yeelan doonaa marka uu bilowdo qandaraaskooda kal ciyaareedka 2017-18.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close