Yaa ku guuleystay gool dhalinta horyaalka Soomaaliya ee xilli ciyaareedkan?+SAWIR

Yaa

(Muqdisho) 16 Maajo 2016. Waxaa si qurux badan u soo idlaaday horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya oo ay hanatay kooxda Banaadir oo aan marna dhinaceeda dhulka la dhigin.

Laacibka da’da yar ee kooxda LL.PP. Jeenyo isla markaana ciyaaray sanadkiisii ugu horreeyay ee horyaalka heerka koowaad ee dalkeena Feysal Xaashi ayaa ku guuleystay gool dhalinta horyaalka ee xilli ciyaareedkan.

Feysal ayaa dhaliyay kal ciyaareedkan idlaaday 16-gool waxaana ku soo xigay Jabriil Xasan Fariid ee u safta Heegan iyo waliba laacibka Banaadir ee Marcel Samson oo dhaliyay min 11-gool.

Sikastaba, kooxda Feysal ee Jeenyo ayaa ku dhameysatay horyaalka kaalinta saddexaad iyadoo ay ka sarreysay Dekadda oo markii ugu horreysay soo xiratay kaalinta labaad ee horyaalka.

Sawirka quruxda badan ee Feysal Xashi waxaa dhaqshadeeyay Young Moha.

Feysal

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close